Booliska Wadanka Kenya Oo Baadi Goobaya Macalin Dugsi Ka Baxsaday/

0
224

Booliska Kenya, ayaa sheegay inuu ka baxsaday Macalin Dugsi Quraan ku leh Xaafada Islii, Booliska ayaa sheegay in ninkan uu ka booday daaqada Guriga, xili ay ciidamada Baaris ka wadeen Gurigiisa.

Ninkan oo Booliska magaciisa ku sheegeen Abdulrahman Hassan, ayaa Galabnimadii Sabtida ka booday Daaqada sidaasna ku baxsaday.

Ninkaan ayaa ahaa maamulaha Dugsi diinta lagu barto oo lagu magacaabo (Samad Islamic Institute) waxaana uu ahaa Qaxooti ka diiwaan gashan Xerada Dhadhaab.

Mr Ibrahim Aden Ibrahim, oo isna ah Macalin Dugsi, ayaa sheegay ineey aad uga baqayaan Howlgalada Booliska.
“Booliska waxay noo yimideen Maalinki Sabtida, waxayna wateen warqad uu ugu qornaa Magaca qof ay doonayeen markaan tusnayna weey ka tageen, waxayna dib usoo laabteen Habeenkii, markii ay Albaabka soo garaaceena Abdulrahman Hassan, daaqada ayuu ka booday” sidaa waxaa yiri Ibrahim Aden Ibrahim oo isna ah macalin dugsi.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay in Ninkan daqada ka booday ay Gurigiisa kasoo heleen Computerka Gacanta iyo Lacag lagu qiyaasay Sh37، 750.

Kenyan force

Dhacadadaan ayaa ka dhacday Xaafada 7ka, waana meel ay ku yaalaan Goobo Ganacsi iyo Farmashiyaal, sidoo kale waxaa lagu iibiyaa Caanaha Geela.

Idale News Online