Waxaa malintii shalay ahayd Wadanka Holland ka dhacay Xaflada aad u balaraan taas oo ay ka so qayb galayan guud ahaan Jaaliyada Konfur galbeed ee Wadanka Holland.
Munaasabadaasi ayaa waxaa si gaar ah logu soo dhaweynayay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Konfurgalbeed Somalia Mudane Madoobe nuunow Maxamed iyo Madaxweyne kuxigeenka Maxamuud Sayid Adan.
Munaasabadan ayaa waxaa khudbado dhinacyo badan tabanaya ka soo jeediyay Siyaasiyiin, Aqonyahano, Odayaasha Dhaqanka iyo waliba haweenka Jaaliyada Konfurgalbeed Somalia waxaana dhaman khudbadahaasi ay ahayeen kuwa lagu taageerayay Maamulka Konfur Galbeed ee ka kooban 6da goobol,
Inta ay socotay Munaasabadaasi waxaa baaq lo diray Madaxda Sare ee Dowlada Fadaraalka Somalia waxaana logu baqay in ay aqonsadan taageerona la garab istaagaan Maamulka Konfur Galbeed Somalia.
Qaybihii danbe ee Munaasabadan ayaa waxaa heeso qiro leh ka qadaay Fanaaninta kala aha Cadey iyo laki Xaaji Wacays waxaana munaaasabadaani ay ku soo dhamatay sidii logu talagalay.