Beesha Leysaan Oo Si Kuluul Ugu Hadashey Dil Ganacsade Ka Soojeeda Beeshaasi Oo Looga Geystey Degmada Doollow Ee Gobolka Gedo

0
257

Baydhabo(INO) –  Odayaal iyo Siyaasiint Ka Soojeeda Beesha Leysaan oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabteen Gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa ugu hadleen Dil dhawaan mid  ka mid ah Ganacsade Ka Soojeeda Beeshaasi oo Looga Geystey Gudaha Degmada Doolow Ee Gobolka Gedo.

Malaaq Cali Boor oo shirkaasi Jaraa’idka ka hadley ayaa ku eedayey Gudoomiyaha Degmada Doollow, Mr. C/rashiid Janan in uu ku dambeeyo dilkaasi isla markaana waxa ugu baaqey Waxgaradka Beelaha Marixaan Ee Gobolka Gedo in ay Jawaab ka bixiyaan Dilka Ganacsadahaasi

Sidoo kale waxa kale uu tilmaamey inuu jirey Kulan dhexmartey Beelaha Leysaan iyo Marixaan Oo Ka dhacey Degmada Berdaale Ee Gobolka Bay isla markaana aysan weli ka dhabeyn Beesha Marixaan Qodobadii laga Heshiyey.

“Waxaan Beelaha Marixaan u Sheegeyna in ay Jawaab ka Bixiyaan Dilka Ganacsade Axmed Maxamed Guurow, Dilkiisa waxaa ka dambeeyo C/rashiid oo ah Gudoomiyaha Degmada Hadda Lagu Sheego inuu yahay Wasiir ku Xigeen, Horey waxa Looga Diley Degmada Doollow 3 Qof kale oo Mid ka mid ah ay Haweeney tahay, oo ka soojeedaan KG Soomaaliya, waxaa jiro dad  fara badan oo Xabsiga Degmada Doolow ku jiro oo Reer Koonfur Galbeed ah oo si xaqdaro looga haayo halkaasi, waxaan ugu baaqeyna Waxgaradka iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Jubba inay dib u fiiriyaan dhacdooyinka Foolka Xun Ee Ka Socoda Degmadaasi” ayuu yiri Malaaq Cali Boor

Sidoo kale Malaaqa ayaa Xusey in Xariiro ay la sameeyeen Maamulka Jubba, isla markaana Xitaa uu kala Hadley Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif  Xasan Sheekh Arintaasi , taasoo uu sheegey in weli aysan Jawaab ka bixinin Maamulka Jubba iyo Maamulka Degmada Doolow Ee Gobolka Gedo Ee Koonfurta Soomaaliya.

“ Cabashadeenu waxaynu Gaarsiiney Maamulka Jubba iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Degmada Doollow waxay noqotey Meelaha Lagu u gaarsado Dadka Soojeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Hadii Baaqeena Lagu soo Jawaabi waayo Waxaan ku dhaqaaqneyna Tilaabo Adag oo waafuqsan mida ay sameeyeen oo la mid ah” ayuu yiri Malaaq Cali Boor.

Ugu dambeyntii, Mudooyinkan dambe waxa ka Soo baxaya Meelo kala duwan oo dilal looga Geysanaayo Dadka Soojeeda Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, dhawaan ayey ahayd ka dib Markii Ganacsade Ka Soojeeda KG Soomaaliya Si bareer ah Askari ka tirsan Maamulka Puntlnd dil ugu Geystey Magaalada Garowe Ee Xarunta Maamulka Puntland.

Idale News Online, Xafiiska Warqabadka Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here