Dagaal saakey ka bilowday sohdinta lagu muransan yahay ee kala qeybisa maamuladda Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa la wareegay oo looga itaal roonaadey ciidankii dhanka Galmudug, waxaana goobihii lagu dagaalamey oo ay ku jirta degmada Baraxleey ee Koonfurta Gaalkacyo shir jaraa’id ku qabtey masuuliyiinta ka tirsan maamulka dhanka waqooyi ee Gaalkacyo ee Puntland iyagoo sheegay in ay dibada uga saareen waxay ugu yeereen maleeshiyaad.
Xiisaadaan gobolka Mudug ayaa in muddo ah soo jiitameysay, waxayna salka ku haysaa nidaamka federaalka oo qolo walbaa ay dhankeeda ka sheeganeyso maamulka degmada Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug
Idale News Online, Gaalkacyo