Beesha Habar-gidir Oo ku dhowaqday dhisme dawlad Goboleed cusub.

0
222

Cadaado– Beelaha Habar-Gidir, ayaa sameysanaya maamul goboleed federal oo mid ah, oo ay ku mideysan yihiin, waxaa sidaas shaaca ka qaaday mas’uuliyiinta beesha.

Waxaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha ay dhowaan isugu tagi doonaan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo maamulka lagu dhisi doono.

Waxaa la isku biirin doonaa dhammaan maamullada beesha Habar-Gidir sida: Galmudug, Ximin iyo Xeeb iyo Ahlu-Sunna, sida lagu heshiiyey, kadibna lagu dhigi doonaa hal maamul.

Beesha Habar-Gidir waxa ay sheegtay in dhismaha maamul goboleed federal oo xooggan uu yahay waxa kaliya oo ay ku heli karaan xaqa ay ku lee yihiin dowladda federaalka.

habar-gidir

Idale News Online