Dekadda weyn ee magaalladda Muqdisho waxaa fiidnimaddii xalay ka kacay dab xoogan, kaasi oo geytay khasaare kala duwan,waxaana sida warku sheegayo dabkaasi uu ka kacay sigaar lagu dhex tuuray gaari xamuul oo rar waday kuna sugnaa dekedda dhexdeeda sidaana waxaa warbaahinta u sheegay Goobjoogayaal ku sugnaa Dekedda weyn ee muqdisho xilligii uu dabku kacay. Goobjoogayaashaasi waxay uu intaasi ku dareen in uu dabku khasaaro u geystay Gaariga xamuulka oo noociisu ahaa Toyoto Hilux (Xaajiyo Khamsiin) iyo badeecaddii saarnayd.,sidoo kalena ugu yaraan hal ruux uu dabkaasi ku dhaawacmay kaasi oo loola cararay Isbitaalka. Sida warku sheegayo Gurmad xoog leh ayaa loo galay daminta dabkaasi , iyadoo gaadiidka dab damisku ay ka qeyb galeen daminta dabkaasi oo sida lasheegay markii dambe lagu guuleystay in la damiyo. Maareeyaha Dekedda Muqdisho, C/llaahi Cali Nuur ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii isku howlay daminta dabkaasi oo sidoo kale ay shaqaalaha dekedda ku sugnaa iyana gacan ka geysteen sidii loo damin lahaa dabkaasi cabsi galiyey doonyihii iyo maraakiibtii dekedda ku xirnaa kuwaas oo sida lasheegay qaarkood ay baroosinka furteen si ay uga badbaadaan dabkaasi. Idale News Online, Muqdisho.