Muqdisho ( INO)-Magaalada Muqdisho ayaa weli waxaa ka soconaya kulamo u dhexeeya Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland , Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas iyo weliba Beesha Caalamka.
Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jirta in Maamul Goboleedka Puntland ku qanciso in Doorashooyinka Aqalka Hoose dib u furaan.
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa hakad geliyay Doorashooyinka Aqalka Hoose kadib markii ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qoondo aanu xaq u laheyn ugu dartay Beelaha ka soo jeeda Maamulka Soomaaliland.
Puntland ayaa ka soo horjeedo qoondada Aqalka sare ee loo kordhiyay Maamulka Soomaaliland , waxaana qoondada ugu badan ee Aqalka Sare horay u lahaa Puntland balse haatan waxaa la simay Maamullada Soomaaliland iyo Puntland.