Kismaayo (INO) — Odayaasha Dhaqanka Jubbooyinka ayaa sheegay in Shirka ka socda Kismaayo uu noqday mid lagu duudsiiyay Xuquuda ay u leeyihiin Beelaha dega Gobolkaasi inay maamulka kamid noqdaan.
Inta badan Odayaasha Beelaha Jubbooyinka waxay isaga baxeen Shirka, kadib markii ay kasoo horjeesteen Qaabka loo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Axmed Madoobe.
Ugaas Ka Mid ah Ugaasada Beesha Raxanweyn Ee Jubooyinka ayaa sheegay in ay doonayeen in lahelaan nidaam loo siman yahay, hase ahaatee dad gaar ah ay magacyo iska soo qorteen, islamarkaana Beelo badan ay ka saareen Xildhibaanadii ay lahaayeen.
Ugu dambeyntii Ugaaska ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka in Deg-Deg ay kusoo fara geliyaan Sed-Bursiga Axmed Madoobe kawado Kismaayo, islamarkaana si cadaalad ah loogu qeybiyo Xubnaha Baarlamaanka maamulka Jubba.
Idale News Online – Kismaayo