Gaarisa (INO)—Warar laga helayo Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Saldhig Ciidamada Mareykanka halkaasi ay ku leeyihiin ay kulamo kula qaateen Korneel Barre Aadan Shire Barre Hiiraale iyo Saraakiil kale oo ka socda howlgalka AMISOM gaar ahaan kuwa Ethiopia iyo Kenya.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray sidii Al Shabaab looga saari la haa Degaanada iyo Degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka maadaama Maamulka Jubaland uu ku guul dareystay wiiqida Al Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in Korneel Barre Aadan Shire Barre Hiiraale lagu wareejiyay Sanaada militari oo la sheegay in uu kula Dagaalami doona Dagaal yahanada Xarakada Al Shabaab eek u xoogan qeybo ka mid ah Gobolada Jubbooyinka.
Ilo wareedyo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegaya in Korneel Barre Hiiraale uu hogaamin doono howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab oo la filayo in dhawaan ay ka bilaawdaan Degaano iyo Degmooyin dhaca Gobolada Jubbooyinka ee Dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah Dowladdaha Dalka Soomaaliya ka taageera la Dagaalanka Xarakada Al Shabaab, iyadoona xusid mudan in Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday howgallo Al Shabaab looga saarayo Gobolada Jubooyinka.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay