Jowhar-Banaanbax looga soo horjeeday Ciidamada DF Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe iyo Maamulka gobolkaasi ayaa Maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Jowhar.
Banaanbaxan ayaa ka yimid kadib markii ganacstade Sarifle ka ahaa Suuqa Jowhar ay shalay dhac u gaysteen Ciidamo la sheegay inay ka mid yihiin kuwa DF Soomaaliya.
Ganacsatada oo ka carootay dhaca loo gaystay sariflahaasi ayaa maanta abaabulay Banaanbax ay dad badani isu soo baxeen, waxaana banaanbaxooda ku muujiyeen Erayo ay uga soo horjeedaan Maamulka Gobolka.
Xasan Daa’uud Sheekh oo ah sariflaha dhaca loo geystay ayaa sheegay in ciidamada ka tirsan kuwa dowladda ay ugu yimaadeen suuqa ayna amar ku siiyeen inuu furo sanduuqiisa ay lacagaha ugu jireen, si ay uga baaritaan ugu sameeyaan kadibna ay dhaceen markii uu furay
Waxaana intii uu socday Banaanbaxu uu saamayn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii Ganacsi iyo isku socodkii Dadka iyo Gaadiidka.
Idale News Online
ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka oo ay kaga hadlayaan dhaca iyo banaanbaxa iyaga iyo Ciidamada DF looga soo horjeeday