Farxiyo kabayare oo bandhig faneed ku qabatay Wasaaradda Gaashaandhigga.

0
194

Mas’uuliyiinta  Wasaaradda difaaca Soomaaliya iyo saraakiisha ciidanka qalabka sida ayaa maanta ka qeyb galay bandhig faneed lagu dhiiri gelinayay guulaha ay gaareen ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayna soo bandhigtay Fanaanada Soomaaliyeed Farxiyo Kabayare.

Bandhig faneedkan oo ahaa bandhigii ugu horeeyey ay fanaadadu ku qabato Muqdisho ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa sidii loogu hambalyeen lahaa guulaha ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ka gaareen howlgalladii ugu damebeyay ee gobollada dalka ka dhacay.

images

Fanaanadda ayaa goobta ku soo bandhigtay heeso wadani ah oo ay ku guubaabineyso guulaha ay gaareen ciidanka, iyadoo kula dar daarantay inay sii wadaan howlgalka dalka looga sifeynayo Al-Shabaab.

Gabo gabadii Wasiir ku-xigeen Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdalla Xussen Cali ayaa waxaa uu sheegay in laga rabo fanaaniinta Soomaaliyeed in ay guubaabiyaan ciidamada qalabka sida, waxaana uu intaa ku daray in ay sii socon doonaan howlgallada looga xoreynayo dalka kooxda Shabaab.

Arrintaan ayaa imaanaysa xilli maleeshiyada Al-Shabaab laga sifeeyay deegaanno dhowr ah oo ku yaala gobollada dalka.

 

Idale News Online