Degmada Bardaale ee gobolka Bay ayaa maanta waxaa ka dhacay Banan bax ay isugu soo bexeen dadweyne farabadan kuwaa soo taagero baaxad leh u muujiyay Maamulka Sedaxda gobolee maalin ka hor madaxweynuhiisa lagu doortay Magaalada Caasimada u ah gobolka Baay ee Baydhabo,
Shacabka ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan maamulkaas iyagoo lulayay caleemo qoyan iyo boorar ay ku xardhan yihin ereyo taageero ah ayaa waxay ku qeylinayeen ereyo soo dhaweyn u ah maamulka 3da gobol.
Dhinaca kale xiisad siyaasadeed ayaa ka jirta magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay halkaas oo lagu doortay maalin ka hor madaxweynaha maamulka Sedaxda gobol .
Dadweynaha magaaladaas ayaa hadal haya siyaasadan cusub ee xamaasadeysan iyadoo maamulka degmada baydhabona ay shaaciyeen in hadii xaaladan ay sii socoto ay talaabooyin amaanka lagu sugayo qaadi doonaan.
Idale News Online, Bardaale.