Xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta loo qeybiyay miiisaaniyad sanadeedka 2014, ayadoo dhanka kale guddoonka baarlamaanka uu sheegay mooshin loogu yeerayo Mas’uuliyiinta Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, si ay u horyimaadaan baarlamaanka.
Kulanka baarlamaanka maanta oo ahaa kaldhiga afaraad fadhigiisa koowaad oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyadoo uu goob joog ahaa guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa waxaa soo xaadiray 144 mudane.
Kulanka ayaa qeybtiisa hore waxaa xilka Xildhibaanimada loo dhaariyay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo horey xilka Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibedda ka soo qabatay Xukuumadda Ra’iisul wasaarihii hore ee Mudane Saacid, iyadoo badashay Ismaaciil Xasan Jaamac oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka.
Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo hadal kooban ka jeediyay furitaankii kaldhiga ee maanta ayaa sheegay in mudanayaashu ay horyaalaan howla aad u fara badan, islamarkaana xildhibaanada looga fadhiyo inay shaqeeyaan waqtiyo dheeri ah.
Dhanka kale xildhibaannada ayaa loo qeybiyay miisaaniyadda sanadkan 2014-ka oo ay dhawaan meel mariyeen golaha Wasiirada, iyadoo miisaaniyaddan ay aad uga badantahay miisaaniyaddii hore, kuna kacaysa qiimo gaaraysa 218,450,743 dolar, isagoo gudoonka xildhibaannada u sheegay sida uu qabo xeer hoosaadka in ay ku soo akhristaan muddo 24 saac ah, kaddibna ay talooyinka soo gudbin doonaan.
Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sidoo kale ka hadlay ahmiyadda ay leedahay miisaaniyaddan marka loo eego marxaladda lagu gudo jiro.
Ugu dambeyntii guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay soo gudbiyeen mooshin ku aadan sidii baarlamaanka ay u hor-imaan lahaayeen Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka, si loo weydiiyo su’aalo la xiriira arrimo badan.
“Waxaa isoo gaartay mooshin ay saxiixeen 15 xildhibaan oo ku saabsan in baarlamaanka ay horyimaadaan Wasiirada Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka” ayuu markale hadalkiisa ku daray Mudane Jawaari.
Maalinta berrtio ah ayaa lagu wadaa in Wasiirka Maaliyadda uu baarlamaanka hortaggo si uu ugu sharxo misaaniyad sanadeedka 2014-ka ee baarlamaanka loo gudbiyay.
Idale News Online.