Hal ruux ayaa ku dhintay inkabadan toban kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii bam lagu tuuray gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho,
Dadka waxyeelada ka soo gaartay bamkan ayaa waxa ay ahaayeen dad rayid ah oo badankood ay ahaayeen dad ganacsato ah iyo qaar kale oo u soo adeeg doontay suuqa.
Dadka ay waxyeelada ka soo gaartay bamkan ayaa u badnaa dumar waxana dadka dhaawacmay la dhigay isbitaalada magaalada Muqdisho.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay weerarkan hase ahaatee ururka Alshabaab ayaa ku hanjabay inay kordhin doonaan weerarada ay ku hayaan magaalada Muqdisho bisha barakaysan ee Ramadaan.
Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday kolonyo baabuur ah gelinkii dambe ee shalay oo Jimce ahayd agagaarka xarunta hay’ada UNDP ee magaalada Muqdisho ayaa geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Idale News Online, Mogadishu