Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran ka wada deegaanno hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe, iyagoo baadi goobaya maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo shalay weerar ku soo qaaday Balcad.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa Al-Shabaab ka saaray degmada Balcad, iyagoo gaarsiyay khasaare nafeed kana furtay hub ay wateen Al-Shabaab.
Dagaalkii shalay waxaa barbar socday iska hor imaad kale oo dhexmaray ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi iyo Al-Shabaab, kadib markii maleeshiyaadka Shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen AMISOM