Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhawaan magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan Howlgallo culus oo lagu xaqiijin doono ammaanka.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in ciidamada Xasilinta ee u xilsaaran ammaanka magaalada Muqdisho ay udiyaariyeen ilaaa iyo kun Askari.
Waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay isugu jiraan Millitari, Boolis, Nabadsugid, Asluub, iyo AMISOM, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in mudada ay ciidamada ku guda jiraan howlgalada loo dhameystiri doono dhammaan wixii tashiilaad ah, si buu yiri ay uga dhabeeyaan hadafka howlgalka