Baladweyn:Isbitaalka Guud ee Beledweyn oo laga cabsi qabo in uu xiro.

0
212

Isbitaalka Guud ee Beledweyn oo laga cabsi qabo in uu xiro

Isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa qarka u saaran in uu gabi ahaan xirmo kaddib markii ay soo food saartay dawo yari.

Agaasimaha Isbitaalka Beledweyne Dhakhatar Axmed Khaliif ayaa warbaahinta u sheegay in hey’addii Isbitaalka gacanta ku heysay ee MSF ay ka baxsaday isbitaalka isla markaana hey’ad maxali ah isbitaalka la wareegtay balse iyadiina ay joojisay howlaha ay ka waday Isbitaalka.

Wuxuu sheegay in qeybaha Isbitaalka uu hadda qarka u saaran yahay in uu xirmo maadama dawo yari aad u weyn ay la soo daristay.

Qeybaha xirmay Isbitaalka waxaa ka mid ah qeybta haweenka lagu umuliyo, qeybta qalliinka iyo qeybta bukaan eegtada ee loo yaqaano OPD.

Dhakhtarka ayaa ka codsaday dowladda dhexe in ay gurmad la soo gaaraan Isbitaalka oo ah isbitaalka ka dhexeeya gobalada dhexe ee dalka, wuxuuna kaloo baaq u diray jaaliyadda Soomaalida gaar ahaan kuwa reer Hiiraan.

Isbitaalka Beledweyne ayaa ka mid ah isbitaalada ugu waaweyn ee ku yaalla gobalada dhexe.

Isbitaalkan waxaa horrey gacanta ugu heysay hey’adda dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF balse sannadkii horre ayey ka baxday Soomaaliya oo dhan, waxaana is taagay howlihii ay ka waday guud ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Idale News Online, Baladweyne.