Ciidamada ku sugan Badda Somalia oo mudada loo kordhiyay.

0
244

NATO ayaa go’aan ku gaartay ineey waqtiga u kordhiso Ciidamadeeda ku sugan Xeebaha Somalia ilaa iyo 2016, si ay usii wadaan la dagaalanka Kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida.

Waziirada Difaaca NATO ayaa Go’aan KU Garay In Waqtigga Loo Kordhiyo Ciidamada Ladagalama Burcad Badeeda.

Waziiradda Difaaca Gashaan Buurta NATO Ayaa Waqti Kordhin Usameyay Ciidamada Dagaalada Kula Jira Kooxaha Burcad Badeeda Somalida
Tan iyo dhamaadka Sanadka 2016ka.

Marakiibta Dagaalka NATO Waxa ay Difacayeen Biyaha Geeska Africa Muddo Iminka Laga Joogo 5 sano Waxana AY bilabeen Howlgalkooda bishii August ee sanadkii 2009kii.

Howlgalkasi NATO Waxa ku Wehlinaya Dadaallo Caalami ah oo ay wadan Ciidamada Ladagalanka burcad badeeda dalka Marekanaka iyo Kuwa midowga yurub.
Seddex Sano Ka hor 2011kii Ciidamada Burcad badeeda somalida waxa ay afdubteen 24 markab,NATOse waxa ay leedahay waxa ay burcad badeeda ay Qadeen 129 werar.

Sanadii Xigtay 2012kii Kooxaha burcad badeeda waxa ay ku fashilmen 20 werar oo ay Qadeen,hayeshe Kooxahaasibma eysan Afduuban Wax Markab ah Tan iyo bishii May 2012kii.

NATO waxa ay sii wadi doontaa Dagaalada ka dhanka ah burcad badeeda oo bartilmamedsada marakiibta oo 90 Boqolkiiba Xambarra Dhamaan Ganacsigga Caalamka La isku marsiiyo.

maraak2

Idale News Online.