Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Maanta Lagu Wadaa Inuu Meel Mariyo Miisaaniyada sanadka 2014 Ee Xukuumada Soo Gudbisay.

0
203

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay markale isugu imaadaan kulan si ay u meel mariyaan Miisaaniyada sanadka 2014 ee xukuumada C/wali Sheekh soo gud bisay.

Waxey aheyd in Baarlamaanka uu  shalay meel mariyo Miisaaniyada 2014 ee Xukuumada  soo gudbisay Laakin waxaa shalay aan soo xaadirin golaha shacabka Xildhibaano badan sidaasina uu kulankii shalay ku baaqday,waxaa la filayaan in ay maanta Xildhibaanada ay meel mariyaan Miisaaniyada 2014 iyadoo ay wasaarado badan ay u xayiran yihiin Miisaaniyada aan  howlo ka socon, loogana fadhiyo Xildhibaanada Baarlamaanka inay meel mariyaan maanta si howlaha u kala fududaadaan.

Xildhibaanada-Baarlamaanka

 Idale News Online, Muqdisho.