Ka dib markii ay xildhibaano gaaraaya 130 xildhibaan ay baaq inuu shaqada ka tago u direen Madaxweynaha Soomaaliya waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday qalaanqal siyaasadeed oo ku aadan sida uu madaxweynuhu uga jawaabi doono talo soo jeedinta xildhibaanada diidan siyaasadiisa iyo inuu ku fashilmey in uu dalka ku hogaamiyo siyaasadiisa fadhiidka ay ku tilmaameen ee 2sano ee la soo dhaafey.
Daahir Amiin Jeesoow oo isugu ka soo horjeeda aragtida xildhibaanada saxiixay baaqa iscasilaada Madaxweynaha ayaa sheegay inaysan suurtogal aheyn in madaxweynuhu xilka ka tago balse ay haboon tahay in si kale arrinta loo dhigo. halka xildhibaan Cismaan Xaaji Cali ayaa isugu dhankiisa sheegay in soo jeedintoodu aysan ahayn khilaaf iyo qalaanqal siyaasadeed balse sheegay in ay tahay badbaado qaran iyo toosan inuu dalka ku dhaco xaalad hadda ka xun mida lagu jiro oo maamulka madaxweyne Xasan Sheekh abuuray.
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay maanta ayaa isugu wax war ah siinin saxaafada balse warar hoose oo ay idale News Onine heshay ayaa sheegaya in madaxweynuhu ka xigo dagaal siyaasadeed inuu iscasilo ama u dhaga nuglaado baaqa inta badan xildhibaanada diidan hogaankiisa.
Idale News Online