Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in uu fashilmay qorshe la doonayay in maamulkiisa lagu rido.
Dowladda dhexe ayuu ku amaanay dadaalkii ay ka geysatay heshiiskii isaga iyo dowladda ku dhex maray magaalada Addis Abeba ee ay garwadeenada ka ahaayeen IGAD, EU iyo QM.
“Dowladda dhexe shaqada ay qabatay arrin horumar ah oo xaqiiqdii guul taariikhi ah ayey aheyd oo dadka Soomaaliyeed horumar u ah” sidaa waxaa yiri yiri Axmed Madoobe.
Dhanka kale dadka uu ku sheegay in ay “maraqa kula daartaan” Kismaayo ayuu baaq u diray isagoona sheegay in bee-beentii hore laga soo tagay.
Heshiiska Addis Abeba ku dhex maray Axmed Madoobe iyo dowladda ayaa dhigaya in mudo labo sano ah uu xilka jubba sii hayo.
Idale News Muqdisho