Sida aan ka soo xiganayno siyaasiyiin caan ah, waxaa caawa dib xoriyaddiisa u helay guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Cadow Xasan(Axmed Daaci) oo dowladda ay xirtay kadib markii uu kaalin ka qaatay dagaal ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.
Axmed Daaci ayaa ka soo dhex muuqday meelo kamid ah magaalada Muqdisho isagoo kula caweynaya saaxiibadiisa sida kuwa horay oo ay iskula jireen maamulkii Tarzan.
hoggaamiye kooxeedyada iyo dadka hubka sharci darrada ah wata, dowladda waxay sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonto haddii ayka hor-yimaadaan howlgalka hub ka dhigista ah ee magaalada Muqdisho laga billaabay.
Idale News Online