Aqrio: Dowlada KGS Oo War Saxaafadeed Ka Soo Saartay Kulankii Maamul Gobaleedyada Dhawaan Loogu Qabtay Dalka UAE

0
165

Baydhabo(INO)- War-Saxaafadeed: Anigoo ajiibaaya Casuumaad igaga timid Dowladda Isutaga Imaaraadka ayaan kaga qeyb  galay shir socday inta u dhexeysa 30ka Oktoober illaa 1st Nofeember 2016ka, waxaan mahadnoq balaaran u jeedinayaa Isutaga Imaaraadka Casuumaadi ay u sameyeen  Madaxda Maamul Goboleedyada iyo sida ay markasta u garab taagan tahay umadda  Soomaaliyeed laga soo bilaabo Dowladii hore intaan dhicin burburkii isla markaana ay sii  kordhiyeen kaalmo dhaqaale iyo mid horumarineed inta uu jirey burburka iyo sida ay markasta u garab istaagaan ganacsatadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Isutaga Imaaraadka, sidoo kale waxaan uga mahadcelinayaa sida ay u ilaaliyaan midnimada iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliya.

Sida laga war hayo Dowladda Imaaraadka waxay casuumaad u fidisay Madaxda Maamul  Goboleedyadda Soomaaliya, waxayna iskugu yeertay in la xoojiyo xiriirka wada  shaqeynta ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka, shirkan ayaa qeyb ka ahaa sidii loo heshiisiin lahaa ayna uwada hadli lahaayeen Madaxda Maamul Goboleedyadda  Puntland iyo Galmudug oo ku wada dirirsan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Sida hada muuqta Arrimaha la xiriira Colaada Gaalkacyo ee u dhexeysa Puntland iyo Galmudug ayaa ah mid la isku fahmay sidii ay u wada dhameyn lahaayeen Madaxda Maamulladaas ayna u keeni lahaayeen xal dhaliya heshiis nabadeed ee ka dhexeeya ummadda deegaankaas kuwada nool, waxaa hada muuqata in horumar weyn laga sameeyey inta lagu sugnaa Dalka Imaaraadka ayna ka wada hadleen Madaxda arrimo muhiim u ah guud ahaan shacabka Soomaaliya.

Waxaan cadeynayaa in wax allaale iyo wixii go’aan ee lagu gaaray shirkii ka dhacay Abu Dabai uu ahaa go’aan ay gaareen madaxda dowlad goboleedyada dalka Soomaaliya oo aan faragelin ku lahayn cid kale, waxaan rajeynaa in xiriirka u dhexeeya DowladaSoomaaliya iyo Imaaraadka uu ahaaado mid sii horumara, sidoo kale waxaa rajeynaa kulanka ka dhici doona magaalada Kismaayo oo lagu dhameystiro wada hadalkan la xiriira arrinta Gaalkacyo inuu guuleysto.

Halkan Ka Aqriso War Saxaafadeedka Oo PDF ah

press-release-e-final

Mahadsanidiin