fhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM aysan sugi karin amaanka caasimadda, haddii aan shacabka magaaladu la shaqeyn ciidamda dowladda iyo kuwa AMISOM.
Col. Xumud oo la hadlay Radio Risaala ayaa xusay inuu aad uga xunyahay amaan xumada bisha Ramadaan ka taagan magaalada Muqdisho.
Afhayeenka AMISOM Col Xaamud ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho iney ciidamada ka gacansiiyaan amaanka caasimadda.
“AMISOM ma sugi karto amaan aysan ka qeyb qaadan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Col. Xumud.
Wuxuu Col. Xumud tilmaamay in dowladda Soomaaliya oo ka baxday KMG looga baahan yahay iney u istaagto amaanka dalka, isagoo xusay ineysan AMISOM dooneyn iney dowladda Federaalka u tilmaamto howlaheeda.
Tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan ayaa Muqdisho lagu dilay ku dhawaad 20 ruux oo qaarkood qaraxyo ku dhinteen, halka qaar kalana bastooladu lagu dilay.