Bisha Cas ee Imaaradka Carabta ayaa raashin Afurin ah u qaybisay qoysas danyar ah iyo kuwa barakacayaal ah oo ku dhaqan qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Benaadir
Ilaa iyo shan degmo oo kala ah Cabdicasiis, Warta Nabada, Dayniile iyo Dharkeeynlay ayaa ka mid ah degmooyinka raashinka ah afurinta ah la gaarsiiyay, waxaana deeqdaasi laga bixiyay xeryaha barakacayaasha ee shantaasi degmo ku yaalla.
Nadiifo Xasan Axmed oo ka mid ahayd dadkii nasiibka u helay inay helaan raashinka afurinta ayaa sheegtay in deeqdaasi ay ku soo beegantahay xilli ay baahi weyn u qabeen, maadaama lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo bulshada tabaaleysan ay u baahanyihiin kaalmo dhan walbo uga timaada.
Sidoo kale mas’uuliyiinta shanta degmo ee ay bisha cas Imaaraadka Carabta raashinka afurinta ah gaarsiiyay ayaa ka mahadceliyay kaalmada la soo gaarsiiyay shacabka degmooyinkaasi ku nool, waxaana ay ugu baaqeen hay’adaha kale inay kaalmo tan la mid ah soo gaarsiiyaan xeryaha barakacayaasha degmooyinka gobolka Benaadir.
Dowlada Imaaradka Carabta ayaa waxay balan qaaday inay ka bixin doonto17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan raashin bisil oo ah Afurin iyo Casho isugu jirto, kaasi oo ay ugu talagashay dad saboolka ah ee aadka u taagta daran.
Idale News Online, Muqdisho.