Warbixin: Ra’isulwasaare Cabdiweli oo isku shaandhayn ku samayn doona kadib kolkii ay wasiiradu u ansixiyeen.

0
193

Warar aynu ka kala helnayno ilo kala gedisan ayaa sheegaya in Ra’isuwlasaaraha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Cabdiweli uu qorsheynayo inuu isku shaandhayn ku sameeyo Golaha wasiirada si guud isagoo sidoo kalena ku guda jira buuxinta xilkii uu baneeyay Cabdikariin Guuleed oo ahaa Wasiirkii Aminiga.

Ra’isulwasaaraha ayaa lasheegay sidoo kale inuu damacsanyahay in xilka ka qaadis uu ku sameeyo Wasiirka Arimaha gudaha Goodax kaasi oo ay isku maandhaafeen aqoonsigii maamulka KoonfurGalbeed oo ka kooban sedaxda Gobol ee Shabeelaha hoose,Bay iyo Bakool ee ay dowladu aqoonsatay.

Hadaba sida aan wararka ku helayno ayaa Ra’isulwasaaraha waxa uu qorshaynayaa inuu Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga uu u magacaabo Maxamed Sheekh Xasan Xaamud halka xilkiisa haatan oo ah Wasiirka gaashaandhigana lasiin doono beesha Habagidir iayadoo aan welina go’aan laga gaarin halka beesha Xawaadle oo wasiir Goodax ka dhashayna lasiindoono xilka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo haatan haya Baroow oo u dhashay beesha Gaaljecel beesha Gaaljecelna waxaa lasiindoonaa xilka wasiir ku xigeenka Amniga oo haatan haya Ibraahim Isaaq Yarow kaasi oo isna laga dhigi doono Agaasimaha guud ee Hay’ada nabadsugida qaranka oo bedeli doono Bashiir Maxamed Jaamac(Bashiir Goobe) sidoo kale ayaa Bashiir waxa loo magacaabi doonaa mid ka mid ah safaaradaha wadanka uu ku leeyahay wadamada Khaliijka.

Hadaba si uu u xaqiijiyo Ra’isulwasaare Cabdiweli qorshahan Sedex iyo Aflayda ahi ayaa waxa uu maanta isugu yeeray kulan golaha Wasiirada kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray Meelmarinta xeer hoosaadka golaha wasiirada kaasi oo lameelmariyay isla maantaba meel marinta xeerkani ayaa waxa uu Ra’isulwasaare Cabdiweli siinayaa inuu Wasiirkii uu doono cayriyo ruuxii uu doonana uu ku bedelo.

Si kasta oo loo dhigaba tani ayay waxay ka dhigan tahay Ra’isulwasaare Cabdiweli oo sii diyaarsaday seeftii uu ku kala jari lahaa golaha wasiirada iyo Madaxtooyada oo sida la sheego in badan howsha ku curyaanto.

rajo

Idale News Online, Muqdisho.