Afhayeenka AMISOM Corneel Cali Aadan Xumad ayaa maanta ka warbixiyay weerar diyaaradaha dagaalka Kenya ay shaley ku qaadeyn degmada Jilib ee gobalka Jubadda Dhexe.
Wuxuu sheegay in AMISOM ay amartay weerarkaas in lagu qaado maadama halkaas ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.
Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay howlgallada AMISOM ay ka wado dalka, waxa uu sheegay in AMISOM ay soo gabagabeysay wajigii koowaad ee howlgalka ay kula wareegeyso deegaanada ay ka taliyaan xarakada Al-shabaab.
Coll Xumad ayaa intaa ku daray hadalkiisa in AMISOM ay qorsheyneyso in ay bilowdo wajigii labaad ee howlgallada ay ka wado qaar ka tirsan gobollada.
Mar wax laga weydiiyay afhayeenka dowladda Kenya oo ka hadasha howlgallada AMISOM ay ka fuliso Soomaaliya ayuu sheegay in Kenya ay xaq u leedahay inay shacabkeeda ogeysiiso howlgallada ciidankeeda ay ka wadaan Soomaaliya, balse AMISOM ay masuul ka tahay inay ka warbixiso howlgalka ay ka sameyso Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ku jiraan heerkii gabagabada oo dhawaan dalka oo dhan laga saari doono sidda uu yiri.
Idale News Online.