AMISOM iyo ciidamada DF oo gudaha ugalay Warsheekh iyo tuulo kale oo katirsan Sh dhexe.

0
236

Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay  gudaha ugaleen magaalada Warsheekh iyo tuulooyin kale oo ku yaalla gobalkaas.

Afhayeenka maamulka Shabeellaha Dhexe, Daa’uud Xaaji Ciiro ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay si nabad galyo leh ula wareegeen deegannadaas oo ay horey u joogeen Al-Shabaab, wuxuu kaloo sheegay in wax dagaal ah aanu ka dhicin goobaha Shabaab laga qabsaday.

USMarineAmison

Wuxuu sheegay Al-Shabaab in ay ka baxeen deeganka oo ay si nabadgalyo leh ay ku qabsadeen deeganada ay la wareegeen.

Wuxuu sheegay oo kale in ay ku wajahan yihiin deegano kale oo ay Al-Shabaab ku sugan yihiin oo ku yaalla gobalka Shabeellaha Dhexe.

Idale News Online, W arsheekh.