Maamulka Puntland ayaa galabta war kasoo saaray socdaal uu saakay magalada Laasqoray ku tagay madaxwaynaha mSomaliland Axmed Siilaanyo oo halkaasi balan qaad ka sameeyay.
Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiwali Indhoguran ayaa sheegay Puntland inay ka xun tahay socdaalka Siilaanyo loona baahan yahay wanaaga in laga wada shaqeeyo.
Puntland ayuu sheegay inay ilaalinayso xaduudeena.Madaxsweynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu boqday Isbitaalka weyn ee magaalada iyo dekedda Laasqoray, waxaana uu ballan qaaday in uu dadka ku dhaqan Laasqoray uu taageero degdeg ah lala soo gaari doono.
Waa markii ugu horeysay oo madaxweyne Somaliland uu booqdo Taarikhda Laasqoray oo ah degmo ay isku heestaan Puntland iyo Somaliland.
Idale News Online, Putland