Dhageyso: AL-Shabaab Oo Weerar Culus Ku Qaaday Deegaanka Goofgaduud Ee Gobolka Bay

0
289

Goof-Gaduud(INO)- Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Bay, ayaa sheegaya in Xoogag ka tirsan Ururka Shabaab ay weerar culus saaka ku qaadeen Deegaankaasi.

Al-Shabaab_2154133b

Weerarkan oo ahaa mid abaabulan, ayaa Shabaabka waxa ay si gaadmo ah ula eegteen Difaacyada ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay halkaasi ku leeyihiin, waxaana la sheegayaa inuu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Shabaabka ayaa galay qayb ka mid ah Deegaanka Goofaduud, kadib markii ay u awood sheegteen ciidamada Dowladda, balse dagaal kulul ayaa halkaasi ka dhacay ka hor inta aysan galin Shabaabka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Dagaalka ayaa la geeyay Magaalada Baydhabo, gaar ahaan Isbitaalka Magaalada sida Suxufiyiinta Baydhabo ku sugan ay soo sheegayaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Shabaabka ay qabsadeen guud ahaan Deegaanka Goofgaduud oo Qiyaastii 30-KM u jirta Degmada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa ka ambabaxay Magaalada Baydhabo si ay weerar ugu qaadaan Shabaabka qabsaday Deegaanka Goofaduud.

Weli Saraakiisha ciidamada faah-faahin rasmi ah kama aysan bixin inta uu la eeg yahay Khasaaraha ka dhashay Dagaalka ka dhacay Deegaankaasi.

Ugu dambeynti, Shabaab ayaa Baraha Internetka ee wararka ku faafiyaan ku qoray inay la wareegeen gacan ku haynta Deegaankaasi oo hada iyaga ay maamulayaan.

Halkan Ka Dhageyso Codka Taliyaha ku Xigeenka Ciidamada Daraawiishta KGS

 

Idale News Online, Goof-Gaduud, Bay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here