Al-shabaab oo Qoryooley Haweeneey ku Dilay.

0
187

Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ayaa Degmada Qoryooleey ku Dilay,Haweeneey ka mid aheeyd Dadka ku nool Magaalada.

Teaser Image Al-shabaab oo Qoryooley Haweeneey ku Dilay

Meydka Haweeneeydaan ayaa laga helay Saaka Waqooyiga Degmada Qoryooleey,ayadoo jirkeeda ay ku yaalaan Rasaas aad u badan.

Goobjoogeyaal ku sugan Qoryooleey ayaa Idale News Online u sheegay in Haweeneydaan Al-shabaab ay dileen ka mid aheyd Ganacsatada yar  yar ee Shaaha ku gada Qoryooleey.

Waxaa ay sheegeen Goobjoogeyaasha in Al-shabaab ay u dileen kadib markii ay ku eedeeyeen in Ciidamada Dowladda ee Shalay qabsaday Degmada ay Shaah ka iibisay sida ay sheegeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Guri ay ka daganeyd Qoryooley Xalay Al-shabaab ay kala baxeen,Saakana Meydkeeda laga helay Dhanka Waqooyi ee Magaalada.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa inta badan dilka nuucaan oo kale ah u geeysta Dadka Danyartaa ee aan Waxba Galabsan.

Idale News Online – Xafiiska Qoryooley.