Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa ka warbixiyay weerar ciidamo Ajnabi xalay ku qaadeen guri ku yaal degmada Baraawe, isagoo cadeeyay in weerarkaas uu fashilmay.
Abuu Muscab ayaa sheegay in 2-dii habeenimo ee saqdii dhexe xalay ay ciidan cadaan ah soo weerareen guri ay degan yihiin rag mujaahidiin ah sida uu yiri.
Ma sheegin magacyada raggaas iyo hadii ay ahaayeen saraakiil sar sare, hase yeeshee waxaa uu tilmaamay in howl galkaas ay fashiliyeen.
“Warbixinteenu waxay ku saabsan tahay howlgal fashilmay oo gaalo caddaan ah rabeen in ay xalay ka fuliyaan guri ku yaal magaalada Baraawe oo ay mujaahidiintu deganaayeen, dagaal culus oo Bambaanooyin iyo boobayaal la ia isku adeegsaday ayaa dhacay cadawgiina waa fashilmeen iyagoo aan waxii ay rabeen gaarin”ayuu yiri Abuu Muscab.
Abuu Muscab ayaa tilmaamay in dagaalka socday muddo saacad ah oo gudaha magaalada ku dhex maray ciidankii shisheeye ee weerarka soo qaaday iyo xoogagooda, isagoo intaa ku daray inay dhanka Badda ah ay ku laabteen.
“Gaaladii soo duushay markii ay fashilmeen oo ay arkeen in ujeedkii ay rabeen aysan gaarin ayay dhanka Badda u carareen mujaahidiinta ayaana dabagalay oo eryaday, doomo ayayna ku baxsadeen allaah ayaa ku mahadsan guushiina geesiyaasha mujaahidiinta ayay raacday”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Waxaa uu sheegay in dhankooda uu hal askari ah kaga dhintay, isla markaana aanu jirin wax dhaawac ah, laakiin waxaa uu tilmaamay in ciidamadii cadaanka ahaa ay ka tageen agab milateri, waxaana uu intaa ku daray in goobta ay ka dagaalamay lagu arkay dhiig, taasoo muujineysa buu yiri in waxyeelo ay gaartay.
Ilaa iyo hada lama oga ciidamada ajnabiga ah dalka ay ka socdeen, laakiin goob joogayaal ku sugan Baraawe ayaa sheegaya in ciidamadan gaarka ahaa ay ku yimaadeen doomo, ayna hawada ka taageerayeen Labo Helicoptero, kuwaasoo ku daatay guri ku dhowaa xeebta.
Ma jirto warar ka madax banaan Al-Shabaab oo sheegaya qasaaraha meesha ka dhashay iyo bartilmaameedka cida uu ahaa, iyadoo la isla dhex marayo in guriga la weeraray uu horay u degenaa Ibraahim Afghan oo bishii June lagu dilay Baraawe.