Shirkan waxaa kasoo qayb galay Madax Qaaradda Afrika ka socotay, iyo Mas’uuliyiin kale oo Ururro Caalami ah iyo Dowlado kale matalayay.
Geba-gebadii Shirka waxaa kasoo baxay Qodobbo dhowr ah oo la xiriira arrimihii laga wada hadlay oo dhamaantood quseeyay Iskaashiga Dowladda Japan iyo Dalalka Afrika iyo sidii loosii wadi lahaa.
Wuxuu Shirku ahaa mid Sanadle ah, Madaxweyne Xassan Sheikh-na waxay u ahayd markiisii ugu horeysay ee uu ka qayb galo.
Intii uu Shirku socday wuxuu Madaxweynuhu Kulamo gaar gaar ah iyo kuwo Shirka dhexdooda ahba uu la qaatay Madaxii halkaa joogtay oo uu dhamaantood kala hadlayay arrimo Dalkeena quseeya.
Idale News Online
Dowladda Japan ayaa muujisay sida ay u danaynayso inay ka qayb noqoto Dalalka Calaamka ee haatan usoo tafa xeeydanaya ku Gacan siinta Soomaaliya sidii dib u dhis loogu samayn lahaa, maadaama haatan ay Soomaaliya galayso Marxalad kasoo kabsasho ah, ka gadaal Sanado badan oo Dagaal sokeeye uu socday.