22 Sano ka dib Caruurta Soomaaliyeed oo loo furey Meel ay ku cayaaraan

0
230

Waxaa lagu guuleystay in la furo Darjiin ay Caruurtu ku cayaaraan oo laga hirgaliyay Xerro Qaxooti oo hos tagta Hey’adda Bisha Case e Turkiga laguna magacaabo Jaziiraddii Nolosha, taasi oo imaanaysa 22-Sano oo dagaal Sokeeye uu Muqdisho ka socday ka dib.

Gudoomiyaha Bisha Case e Turkiga Axmed Lutfi Aakar ayaa furay Darjiinkan iyadoo ay kasoo qayb-galeen furitaanka tiro badan oo Caruur Soomaaliyeed ah .

Markii la furay ka dibna Caruurtu waxay ku tartameen Qaadista Ukunta iyo Kiishash culculus oo ay ku helayeen Abaal-marino iyo Hadiyado uu bixinayay gudoomiyaha Bisha Cas.

Darjiinkan waxaa laga dhisay dhul Badkiisu uu dhanyahay 500 oo Mitir Laba jibaaran (500 M2), waxayna ka koobantahay Garoon Ciyaareed iyo goob lagu nasto iyadoo ay sidoo kalena yaalaan halkaasi Qalabka Ciyaarta sida Wiifoowga.

Caruurta ayaa waxaa u suurtagali doonta inay Kubadda Cagta iyo Ciyaaraha kaleba ku dheelaan Darjiinka oo ah goob daboolan.