War murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu Cabdi Faarax Shirdoon SAACID ka walaacsanyahay Xaaladda Soomaalida ku nool Koofur Afrika.
Ra’isul wasaaraha ayaa War-murtiyeedka lagu sheegay inuu Fariin u diray Madaxweynaha Koofur Afrika Zuma, isagoo kala hadlay arrimo la xiriira Nolosha iyo Bad-baadada Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Dalkaas jooga.
“ Waxaan Dowladda Koofur Afrika u gudbinaya iyadoo arrin deg dega ah inay Fara galiso Xiisadda Nasiib darada ah ee ka dhanka ah Ganacsiga Soomaalida Dalkaas, si Nabad-galiyo iyo Xasilooni ay Muwaadiniinta Soomaalyeed u helaan. Taasina waxay sii xoojinaysaa Walaaltinimada iyo Xiriirka Labada Shacab iyo Labada Dowladoodba ka dhexeeya” Sidaas ayuu u qornaa War-murtiyeedka oo soo bandhigay Fariinta Ra’isul wasaaruhu diray.
Ra’isul wasaaraha ayaa sidoo kale Tacsi u diray Ehelada Dadka Soomaaliyeed ee lagu dilay ama lagu dhaawacay Xiisadaha jira amaba Hantidooda ku waayay.
Sida War-murtiyeedka lagu xusay Xiisaduhu waxay ka jiraan Deegaanada Diepsloot, Pretoria, Booysens Park, iyo Port Elizabeth.
Dadka Soomaalida ee Koofur Afrika jooga ayuu Ra’isul wasaaruhu ku booriyay inay u hogaansamaan Sharciga Dalkaas iyo Xeerarka kale ee la xushmeeyaba, iyagoo kala shaqaynaya Safaaradda Soomaaliyeed ee Pretoria si loo dajiyo Xaaladda.
Ra’isul wasaarah ayaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu niyad qaboojiyay inay Dowladiisu kala shaqaynayso Dowladda Koofur Afrika sidii loo dhamayn lahaa Mushkiladahan cusub.
“ Waxaan ka fikireynaa Dadkaas Soomaaliyeed ee Xilliga Murugta iyo dhibaatada leh ku jira iminka” ayaa lagusoo afmeeray War-murtiyeedka.