Daawo: Mis Hurty Arlaadii Oo Boqolaal Qoys Oo Ku Ooman Baydhabo U Sameeysey Biyo Dhaamin

0
217

Baydhabo(INO)- Ururka Mis Hurty Arlaadi Ee Ka Shaqeeya Arimaha Bini’aadanimada iyo caawinta dadka danyarta ah ayaa waxay maanta  biyo dhaamin iyo Daawooyin looga hortaga Cudurka shuban_biyoodka Ee Dilaacey  Magalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ay u sameyeen dad ka soo Barakacay tuuloyinka  Sanadkan ay abaaruhu sameyeen oo kunool Baamamka Magaalada Baydhabo.

Ururka Mis Hurty Arlaadi ayaa waxay Barakacyaasha ku dhibaateysan Gudaha Magaalada Baydhabo ay u qiibiyeen  kaniiniga biyaha sifeeya iyo ORS.

Waxay  sidoo kale ay u sameeyeen wacyi galin Xariira dhinaca caafimadka sida Biyaha inay iska_kar kariyan isla markaana saxarda inay iska fogeyaan oo ay ku dadalaan nadaafada Guud iyo Faydhoorka Degaanka iyagoona looga digey inay iska ilaaliyaan cudurka shuban biyoodka.

Ugu dambeyntii, Ururka Mis Hurty Arlaadii ayaa ugu baaqeeyn Bulshada Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka inay ka qiib qaataan Samata bixinta Barakacyaasha ku Oomaan Gudaha Baydhabo.

Halkan Ka Daaawo