Muqdisho (INO)—Kulankan oo si wadajir ah ay uga qeyb galeen Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Cuqaasha Beesha Hubeer oo ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo lagu taageerayay Xildhibaanada Beesha ay ku leedahay Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Ugaas Sheekh Cabdikariin Siyaad oo ka mid ah Waxgaradka Beeshan oo madasha ka hadlay ayaa hambalyo diiran u diray Xildhibaanada Beesha Hubeer ka soo jeeda uu ku jira Baarlamaanka cusub.
Ugaaska oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay Xildhibaanadan in ay ka shaqeeyaan masiirka Beesha iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay matalayaan.
Xildhibaan Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji oo ka mid aha Xildhibaanada la soo dhaweynayay ayaa waxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ka soo qeyb galka kulankan, isagoona balan qaaday ka shaqeynta danta beesha iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, Xildhibaan Sandheere Maxamed Iftin ayaa tilmaamay in ay yeelan doonaan kulamo ay uga hadlayaan waxyaabha u qabsoomay iyo mid iyagu lagula xisaabtamayo.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa bilaabay in ay la kulmaan Beelaha ay ka soo jeedaan, iyagoona kala hadlaya arimo khuseeya danaha Beesha maadaama iyagu ay u matalaan Baarlamaanka Soomaaliya.