Muqdisho ( INO)-Axmed Maxamed Bare Macalin Barre Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo la hadalay Warbaahinta ayaa ka hor yimid Musharaxnimada Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kol hore ku dhawaaqay in uu u taagan yahay Qabashada Xilka Madaxtanimo ee Soomaaliya.
Wasiiraka ayaa Shaaca ka qaaday in Lacag gaareysa 3 Million oo dollarka Mareykanaka ah Shariif Xasan Sheekh Aaden uu ka soo qaatay Madaxda Imaaraadaka Carabta kuna soo qaatay Magaca Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya lagacagtaasina uu leexsaday qeyb ka mid ahna uu isku sharxay sida uu hadalka u dhigay.
Si Kastaba Shariif Xasan ayaa loo arkaa Shaqsi Siyaasadiisu ay tahay mid isbedel waxaaana Siyaasintu ay sheegayaan in Shariif Xasan uu ka mid yahay Musharaxiinta Maqaar saarka ah ee Markii Codad yar ay helaan Shaqsi kale ka iibsanaya.
Ugu danbeyntii Macalin Barre ayaa ku hanjabay in Mooshin Deg Deg ah ay ka Diyaarinayaan Shariif Xasan isagoona Ku Hanjabay in Xilka ay ka qaadi doonaan.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Muqdisho