Baydhabo(INO)- Waxaa Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka soconaya doorashada Aqalka Hoose Ee BFS 2016, Isla markaana waxa Goordhow Cabaas Siraaj uu Ku guuleystey Kursiga Beesha Hubeer oo yaala Jubbaland.
Wuxuuna cod qablabiyad ah kaga adkaadey Maxamuud Cabdi Xasan (PEKOS) , oo hada ah Wasiiru Dowladaha wasaarada Warfaafinta iyo Dalxiiska Ee DFS, isagoona sidoo kale 12 sano soo haayey Jagada Xildhibaanimada Beeshan.
Mudane Cabaas Siraaj Ayaa Heley 42, Halka Maxamed Cabdi Xasan Pekos uu heley 9cod.