Dhageyso:Al Shabaab Oo Madaafiic Xoogan ku Garaacay Xerada Ciidamada AMISOM

0
339

Halgan (INO)—Ugu yaraan 1 Ruux ayaa dhintay labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay madaafiic xoogan ku qaadeen Xerada Ciidamada AMISOM ee Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Madaafiicdan oo tiro ahaan gaaraya ilaa iyo 5 ayaa labo ka mid ah waxey ku dhaceen Xaafado ka tirsan Degaanka Halgan, halka 3-da kalena ay ku hoobteen Xerada Ciidamada AMISOM.

Weli lama ogaan khasaaraha ka dhashay Madaafiicdii ku dhacday gudaha Xarunta Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay IdaleNews.com ayaa sheegay in labo mid ah hoobiyeyaashaasi ay ku soo dhaceen Xaafadaha Halgan islamarkaana uu halkaasi ku dhintay 1 Ruux oo shacab ahaa.

Dhawaan ayee aheyd markii Xarakada Al Shabaab ay Weerar khasaaro kala duwan geystay ay ku qaadeen Xerada Ciidamada AMISOM ee Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay