Dhageyso:Wasiirka Warfaafinta oo Ka Warbixiyay Dagaalkii Suuj

0
229

Garowe(INO)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Puntland oo warbaahinta kula hadlayay magalo Madaxda Garowe, ayaa ka hadlay dagaalka ka Dhacay deegaanka Suuj oo hoostaga degamada Dangoroyo ee gobolka Nugal.

Halkan Ka Dhageyso

Wasiirka ayaa sheegay in iska horimaadkaasi ka dhashay qasaaro kala duwan oo u badan dhanka kooxda lala xiriirinayo Shabaab. Soocade, ayaa ugu baaqay mallayshiyaadka dagaallamaya inay isa soo dhiibaan oo gacanta dowladda soo galaan, isagoo u ballan qaaday inaan la dhibaatayn doonin lagu celinayo meelihii ay ka yimaadeen.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidadam Puntland aad u qalabaysaan yihiin islamarkaana kooxdan , wuxuuna laamaha ammaanka uga mahadceliyay difaaca dalka isagoo u ballan qaaday in loo abaalgudi doono.

Soocade, ayaa wax laga weydiiyay qorshaha xukuumadda ee ku aadan shacabka lagu dul dagaallamay, wuxuuna sheegay in dowladdu wixii awoodeeda ah dadkaasi diyaar ula tahay, balse looga baahanyahay inay difaaca dalka ka qayb qaataan.

Arrintan ayaa timi kadib markii dagaal kharaar uu saaka ka dhacay halka lagu magacaabo Suuj, waxaana warar madax banaan oo aan helayno sheegayaan dhimashada 11 katirsan dagaalyahannadaasi, balse ma jirto cid si cad u  xaqiijin karta arrintaasi iyadoo ay adag tahay in la helo xaqiiqada jirta maadama weli dagaalku socdo.

Wasiirka Amniga Puntland oo Shalay Shir jara’id ku qabtay garowana wuxuu ku eedeeyay Dowladda Fedraalka ah ee somaliya ineysan kafara marneyn Duulanka Lagu soo qaaday Deegaanada dhaca Xeebaha Puntland.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here