Baydhabo(INO)- Maalintii labaad ayuu galay shirkii dib u eegista arrimaha dastuurka ee shalay si rasmi ah uga furmay magaalada baydhabo shirkaasoo ay soo agaasintay wasaaradda ariimaha dastuurka ee xukummadda federaalka soomaaliya.
shirka maanta waxaa ka soo qeybgalay dhammaan xidhibaanada golaha shacabka ee dowlad goboleedka koonfur galbeed oo uu horkacayo guddoomiya baarlamaanka koonfur galbeed Mudane C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Xildhibaanada golaha shacabka ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya., labada guddi ee arrimaha dastuurka kuwaasoo uu horkacayo Wasiirka wasaaradda arrimaha dastuurka ee xukuumadda federaalka soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.
waxaa ugu horeyn shirka ka hadlay Goddoomiyaha golaha shacabka koonfur galbeed waxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in golaha shacabka koonfur galbeed ay leedahay in ay lasocdaan isla markaana ay talooyin ka dhiibtaa hanaanka dib u eegista arrimaha dastuurka maadaama ay yihiin golihii sharci dejinta.
kadib waxuu kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. wasiirka ayaa kahadlay howlaha ugu waaweyn ee u yaala labada gole heer federaal iyo heer gobolba. Waxuu sheegay in dastuurka uu ku noqon karo mid soomaali leedahay loona wada dhanyaay haddii dhammaan umadda soomaaliyeed ay ka wada qeybqaataan talooyinna ku yeeshaan.
waxuu hoosta ka xariiqay in baarlamaanada dowlad goboleedyada ay udub dhexaad u yihiin geeddi socodka dib u eegista dastuurka maadama ay matalaan shacabka. waxaa sidoo kale kalmad dheerigelin leh halkaasi kajeediyay wasiirka dib u heshiisiinta iyo arrimha dastuurka ee dowlad goboleedka koofur galbeed Mudane C/qaadir Nuur Caraale oo isagana muhiim inteeda la eg siiyay dastuurkaan hadda dib u eegista lagu wada.
waxuuna soo dhaweeyay habka loo wada wado dib u eegista kuna bogaadiyay Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee xukuumadda federaalka dadaalka ay wado iyo in ay.barnaamijka dib u eegista ku bilowdo koonfur galbeed. waxaa khudbadaha ka dib kaqeybgalayaasha loo qeybbiyay ilaa iyo saddex kooxood oo ka doodayay barnaamijka arrimaha dastuurka.
koox kasta waxey isugu jireen Xildhibaanada golaha shacabka heer federaal iyo heer gobol iyadoo wasaaradda arrimaha dastuurka ee xukuumadda federaalkana ay isku dubarideysay islamarkaana fududeeneysay doodaha kooxaha. Arrimaha laga doodayay waxaa ka mid ah: 1. Waa maxay Dastuur? 2. Maxay muhiim u tahay in Soomaliya Dastuur yeelato? 3. Maxay lagama maarmaan u tahay in dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu lug yeeshaan waxna uga ogaadaan Dastuurkooda? 4. Maxaad jeceshahay in dastuurka laguugu daro? 5. Sidee lagu heli karaa dastuur Soomaaliya leedahay loona wada dhanyahay?
Halkan Ka Daawo
Wariye Abashir Mandeal, Warbaahint,
Idale News Online, Baydhabo