Buurhakaba(INO)- Wararka aan ka heleyno deegaanka Jameeco ee dhaca duleedka degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ayaa ku soo warramaya in dagaal khasaaro sababay uu halkaas ku dhexmaray Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Al-shabab.
Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba Cali Xasan Cabdi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhankooda uusan jirin wax khasaaro ah ee ka soo gaaray dagaalkaas laakiin dhinaca Al Shabaab ay dagaalyahano badan ka dileen walow uusan cayimin.
Xaaladda deegaanka Jameeca ayaa iminka deegan iyadoo dagaalku uu ka dhashay weerar Ciidamada dowladda Federaalka ay deegaankaas ku qaadeen kaas oo ay ku sugan dagaalyahanada Al Shabaab.
Ugu dambeyntii, Labada Ciidan ayaa weli is hor fadhiya sida aan ka soo xiganay ilo kuwa deegaanka ah iyadoo dagaallo kale la filan karo.
Halkan Ka Dhageyso wareysiga
Idale News Online Buurhakaba