Dhageyso: Xildhibaan C/wahaab Ugaas Oo Ugu Baaqay Wasaaradda Arrimaha Gudaha In Ay Aqoonsato Maamulka Bakool Sare

0
219

Baydhabo(INO)- Dagmada Ceel-Barde ee Gobalka Bakool Waxaa Shalay Galinkii Danbe Looga Dhawaaqay Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Maamul Loogu Magacdaray Bakool Sare Kaasi oo Ka Kooban Degaanada Aato, Yeed iyo Degmada Ceelberde.

Dagaanada oo Kala ah Yeed,Aato iyo Ceel-Barde ayaa Waxaa in Mudo ah kusugnaa Xubno katiirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Todoba Xildhibaan ah

Xildhibaanadan oo umuuqday iney ka Biya diideen Liiska Baarlamaanka Dowlada  Koonfur Galbeed oo ay sheegeen ineysan wax xubna ah ku leheyn deegaanadan ayaa mudo ku dhaw bil kusugnaa  Halkaasi iyagoo wada dhismaha maamul ka Madax banana kan koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa hada soo idlaaday wajigii koowaad ee qorshahan oo waxaa la sameeyay Calankii Maamulka Waxaana la Doortay Madaxweyne iyo Kuxigeenka Hadase waxa loo Fadhiyo ayaa ah Sameynta Waiirada Maamulka iyo Xubnaha Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Wahaab Ugaas Khaliif ayaa Dhinaca kale sheegay ine diyaar uyihiin wadahadal iney la Furaan Dowlada Koonfur Galbeed,Wuxuuse wadahadalka ku Xiray Shuruud ah in loo Wadahadal sida laba Maamul oo iska dhinac dhisan.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here