Malaaq Deerow Yacquub ” Waxba Kama Jiro Maamulka Bakool Sare”

0
260

Baydhabo(INO)- Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Ee  Dowlada  Koonfur Galbeed ayaa dhaliilay maamul shalay looga dhawaaqay degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool, kaasi oo loogu magac daray Bakool Sare.

Malaaq Deerow Yacquub  oo ka mid ah Odayaashan ayaa isaga oo u waramay Idale News Online  Xafiiska Baydhabo, waxa uu sheegay in dhismaha maamulkaasi dano siyaasadeed laga leeyahay.

Waxa uu tilmaamay Malaaqa in dad gaar ah ay qas ka wadaan gobalka Bakool kuwaas oo uu ku tilmaamay inay doonayaan inay kala jaraan dadka walaalaha ah ee wada dega gobalka Bakool.

Sidoo kale malaaqa ayaa tilmaamay in dhismaha maamulkani ay ku lug leeyihiin gacan kale oo Sedaxaad oo uu sheegay in Bakool ay qas siyaasadeed ka wadaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Horta waxaa yaab ah in la yiraahdo madaxweyne ayaa loo doortay Hal degmo iyo Laba tuullo oo hoostagta, Koonfur Galbeed waxaa wasiirro iyo xildhibaanno ka ah dad u dhashay degmooyinkaan la leeyahay maamul baa loo sameeyay, waxaa qas ka wada Bakool dad dano kale oo gaar ah leh doonayana in dadka wada deggan la’isku diro” ayuu yiri Malaaqa.

Ugu dambeyntii. Shalay ayaa gobalka Bakool waxaa looga dhawaaqay maamul cusub oo loogu magac daray Bakool Sare, kaasi oo ka arrimin doona sida la sheegay degmooyinka Ceelbarde, Yeed iyo Caato.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here