Wasaaaradda Dib U Dajinta Koofur Galbeed Soomaliya Oo Sheegtey In Ay Soo Celineyso Barakacyaasha KGS Ee Ku Rafaadsan Gudaha Dalka

0
231

Baydhabo(INO)- Wasaarada dib u dajinta iyo Arimaha Jaaliyadaha Ee Dowalda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta sheegtey in qorashaheeda shanta sano ee Soo socodo uu yahay  in ay soo celiso Dhamaaan Barkacyaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee ku dhibaateysan Gudaha Dalka Soomaaaliya iyo Wadanka Kenya.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Dib u dajinta iyo arimaha jaaliyaha Faamudo Maxamed Abuukar (Faayow) oo warbaahinta kula hadleysey Gudaha magalaada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa tilmaantey in wasaaradeedu ay ku howlan tahay Sidii dib u dajin au ugu sameyn lahayd Barakacayaasha  koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo la kaashaneyso Hay’ada  Qaramada Midoobey Ee U qaabilsan Arimaha Qaxootiga Ee UNHCR.

“ Waxa qorshaha inooga jira 5 Sano ee Soo socota  in aan u dib u dajin u sameyno isla markaana aynu soo celino dhamaana Barakacyaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Ku dhibaateysan Gudaha Dalka, waa dad beeraley ah waxaan dooneyna in aan ku dhiira galino tacbarashada Beerahooda, in la yareeyo Gacan hoorsiga. Dowlad ayaa u dhalatey Umaddan  waxay leeyihiin dhul barwaaqo ah” ayay tiri wasiir Faadumo Maxamed Abuukar.

Sikastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysey oo wasaaradda dib u dajinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ay sheegto tilaabo noocan ah, iyadoona  Boqolaal kun oo ah barakacyaal ka soojeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku rafaadsan yihiin Degaanada Somaliland, Puntland , Magaalooyinka ,Muqdisho, Galkacyo iyo Doollow kuwaasoo Hay’adao iyo NGO-yo tiro badan madaxooda ay ka soo qaataan Mashruucyo fara badan isla markaana sidii la rabey aysan u gaarsiineynin Gargaarka, isla markaana Meelaha Qaarna lagu dilo laguna Kufsado.

Ugu damebyntii, wasaarada dib u dajinta iyo arimaha Jaaliyahada Ee Dowada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka codsatey qorbo joogta KG Soomaaliya  in ay kala qiib qaataan wasaaaradda Qorshaha Soo celinta Barakacyaasha iyo dib u dajintooda.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

Email: Idalenewsonline@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here