Baydhabo(INO)- Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku kala firdhisan Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Degmada Afgooye iyo Madaxweynahooda ayaa ku isku khilaafsan arimo kala duwan oo la xiriira howsha Maamulka.
Wasiirada qaarkood oo qurba jooga ahaa islamarkaana iyaga aaminsanaa in Dowlada Koonfur galbeed Soomaaliya oo dhismihiisa laga maray dhibaatooyin kala duwan in meel sare ay ka gaari doonaan oo ay ka qaban karaan jagooyin howshoodu culustahay.
Madaxweynaha Dowlada Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden oo magacaabay wasiiro tira badan ayaa waxaa jira shirar kooban oo uu la yeeshay Wasiirada, inta badan wasiirada iyo Madaxweynha ayaan isku helin fursado ay kaga hadlaan howlaha wasiirada looga baahanyahay.
Magacaabistii wasiirada oo markii hore lagu sheegay isbaaro qaad ayaa dad badan ay u qabeen in ay la imaan karaan howlo fur furan iyo shaqooyin ay u baahanyihiin bulshada ka dib markii loo magacaabay deegaano ay daashadeen colaado iyo abaaro.
Sida aan ku helnay xogo, waxaa jira is qab qabsi u dhaxeeya wasiirada, ku xigeenadooda iyo wasiiru dowlayaasha oo isku haaysta cida iska leh mas’uuliyada shaqada iyo howlaha ay qabanayaan.
Ugu dambeyntii, Xubnaha qaarkood oo ka qoomameenaya safaradii ay kaga soo tageen qurbaha ayaa sheegay in wasiirada qaar lagu soo xuley qaab nin Jeceleysi ah ayna u shaqeeyaan hab liito taas oo keentay in shaqada leysku fahmi waayo.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo