Muqdisho(INO)- Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in maanta magaaladaas uu ku wajahanyahay Madaxweynaha Dowlada Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Shariif Xasan Sheekh Aaden oo maalmahan safar ku joogay Dalka isutagga inaaraad Carabta ayaa lagu wadaa isaga iyo wafdiisa in ay gaaraan magaalada Caasimada kumeel gaarka u ah ee Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Diyaar garow ku aadan safarka Madaxweyne Shariif ayaa laga dareemayaa xarunta Madaxtooyada KGS, waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaati guduud ku diyaar garoobay Mas’uuliyiin ka tirsan koonfur galbeed soomaaliya.
Madaxweynaha Koonfur galbeed oo lagu tiriyo Madax weynaha ugu safarka badan Madaxweynayaasha Maamul gobolledyada ee haatan dalka ka jira ayaa lagu eedeeyaa mas’uul gabay howlihiisa.
Idale News Online, Muqdisho