Daawo: Madaxweynaha KGS iyo RW, CCC Oo Maanta Tababar U Soo Xireen Dufcadii 2aad Ee Ciidamda Daraawiishta KGS.

0
277

Baydhabo(INO)- Ciidamo Tiro badan oo ka tirsan Daraawiishta Dowlada  Koonfur Galbeed Soomaaliya  isla markaana Ah dufcadii 2aad, ayaa Maanta Jimco ah tababar loogu soo xiray Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, iyadoona ay ka qayb qaadan doonaan suggida ammaanka ee Deegaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Askartan cusub ee tababarka dhameystay oo isugu jira rag iyo dumarba, ayaa laga soo kala xulay Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya Saraakiil Amisom ka tirsan, ayaa tababarkan bixiyay.

Munaasabad tababarkan loogu soo xiraayay askartan, ayaa waxaa ka qaybgalay, RW, Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ,Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan,, Wasiiro ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed iyo Weliba, Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo tababarka u soo xiray Ciidamda Daraawiishta ,ayaa u mahadceliyay dhammaanba intii gacan ka gaysatay tababarka askarta cusub.

Madaxweynaha, ayaa Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya ku guubaabiyay inay gutaan waajibaadka loo wakiishay, isla-markaana ay shaqo bilaaban toddobaadkan..

Ugu dambeyntii, Ciidamada  Daraawiishta, ayaa noqonaaya Dufcadii 2aad  oo loo tababaro Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here