Shacabka Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Cabasho U Gudbiyey RW, Soomaaliya

0
270

Baydhabo(INO)- Bulshada  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shalay cabasho ka dhan ah ciidamada militariga Soomaaliya u gudbiyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo booqasho ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo sidoo kale xarun u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shacabka Koonfur Galbeed ayaa u sheegay ra’iisal wasaarah in ciidamada militariga ay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan bulshada Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxay ka cawdeen dhac, kufsi, dilal iyo hanjabaadyo ay geystaan rag ku lebisan dharkii militariga, watana magacii militariga Soomaaliya, ay hadana dhibaateeyaan shacabka.

Ra’iisal wasaaraha oo ka guddoomay cabashada ka timid bulshada Koonfur Galbeed, ayaa lagu soo warramayaa inuu u yeeray taliyeyaasha ciidamada militariga si uu wax uga weydiiyo cabashooyinka laga la tirsanayo.

Ra’iisal wasaaraha ayaa intii uu joogay magaalada Baydhabo la kulmay maamulka, malaaqyada iyo qeybaha bulshada, wuxuuna kala hadlay dedejinta xulista xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo la sheegayo in khilaaf uu ka taagan yahay oo u dhaxeeya madaxweynaha maamulkaasi, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Malaaqyada Koonfur Galbeed.

Idale News Online,Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here